Rasaas ayaa la riday, argagaxa iyo kala carar ayaa hareeyay, boqolaal ciidamo ah ayaa la geeyay, kumanaan rakaab ah ayaa laga daad gureeyay laba termnaal, waxaana la baajiyay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha John F. Kennedy ee magaalada New York, kadib markii digniin been abuur ah loo diray ciidamada, taasoo lagu sheegay in dabley ay weerartay garoonka.
Garoonkan oo ka mida kuwa ugu waaweyn dunida ayaa arrintan ku dhacday xalay xilli dambe garoonkaasi waxaa ay saameyn ku yeelatay dadkii garoonka ku sugnaa. laba qeybood ayaa laga daadgureeyay dadkii ku sugnaa oo kala ah Terminal 1 iyo 8.
Dadka qaarkood waxaa la geeyay Dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan, waxaana xaalada garoonka ay noqotay mid kacsan, iyadoo la saacado dhowr ah la hakiyay wixii duullimaadyo ahaa ee garoonka qorsheynaa inay ka baxaan.
Arrimahaas oo dhan waxay is bedeleen markii la ogaaday in digniintii la diray ay ahayd mid been ah, waxaana la sheegay in dabaaldeg loo sameeyay guushii Usain Bolt ee tartanka 100-ka mitir loo qaatay rasaas ka dhacday garoonka oo la soo weeraray.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com