Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Digniin: Haku kedsoomin ‘Dexamethasone’ inay daweyso Cudurka Covid-19 (Qormo muhiim ah)

    Digniin: Haku kedsoomin ‘Dexamethasone’ inay daweyso Cudurka Covid-19 (Qormo muhiim ah)

    June 18, 2020Updated:June 18, 20204 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaynu shalay ilaa doraad ka arkaynay qoraalo ay soo dhigeen Jaraa’idka waaweyn ee Ingriiska iyo kuwo kale oo la soo dhigay baraha bulshada, waxay soo qoreen in xanuunkii Covid 19 loo helay dawo taasoo badbaadisay trio aad u badan oo dad ah lana xanuunsanaa durigan covid 19, dawadaa waxaa lagu sheegay Dexamethasone oo ka mid ah nooca dawooyinka ee steroids-ka.

    Waxaa hadaba igu kalifay inaan maqaalkan yar degdeg u qoro waa dawadan oo aad u taala dalkeena lagana heli karo farmasii kasta, welibana qiimaheedu jaban Yahay. Hadii aan yara qeexno dawadani waxa ay ka mid tahay nooca dawooyinka steroids-ka la yidhaahdo oo asal ahaan ah Hormone ay soo daayaan qanjidho jidhkeena ku yaala sida qanjidhka dul saaran kelyaha lana yidhaahdo Suprarenal Gland waxaa kaloo soo daaya Xiniinyaha Ragga.

    Hadaba steroids –ka marka suuqa dawa ahaan loo keenayo waxaa la keenaa 3 nooc oo kala ah:

    1. Anabolic Androgenic Steroids sida Testosterone oo loo isticmalo dhisida jirka, Muruqyada, Timo bixinta, waxa kaloo loo isticmaalaa quweynta awooda jinsiga ee ragga.

    2. Glucocorticoids sida Cortisone, Prednisone, Dexamethasone oo loo isticmaalo cudurada sida xiiqda (Neefta), Bronchitis-ka, Jilba xanuunka (Artrithis), waxaa kaloo loo isticmalaa cudurada ka dhasha Allergy-ga ama xasaasiyadda iyo qaybo ka mid ah cudurada Maqaarka.

    3. Mineralocorticoids sida vasopressin oo loo isticmaalo isku miisaamida biyaha iyo cusbada ku jira jidhkeena ku jira (sida kontroolka Kaadida)Hadaba Dawooyinkan waxaa dawo ahaan loo istcmaalay badhtamihii sodomeeyadii qarnigii tegay (~1930), waxaase aad loo horumariyay 1954-kii oo Steroid revolution loo yaqaano, dabcan waa lagu faa’iiday oo cilmiga Caafimaadka iyo cilmiga dawaduba horumar wayn bay gaadheen.

    Nasiib daro waxaa muddo dabadeed soo if baxay in isticmaalka aan cilmiyaysnayn ee dawooyinkan Stroids ku uu dadkii ku soo saaray dhibatooyin caafimaad oo badan sida:

    1. Dhiig kar degdeg ah (Secondary Hypertension)

    2. Macaanka bukaanka oo kor ugu kaca si xad dhaaf ah (Diabetes)

    3. Jidhka oo iska difaaci waaya cudurada (Immunosuppression)

    4. Soo saarista Mannida ragga oo aad u yaraata

    5. Ragga oo yeesha Naasaha dumarka oo kale (Gynecomastia)

    6. Hamada ragga oo yaraata (decreased libido)

    7. Qanjidhka ragga ee prostate ka oo balaadha (BPH)

    8. Dhikilaha ama xiniinyaha ragga oo gudha (Testicular Atrophy)

    9. Beerka oo kansar ka soo baxo (Liver Tumors)

    10. Dufanka jidhka oo kor u kaca (Cholesterol)

    11. Timo oo ka soo baxa meelo badan (Dumarka)

    12. Bidaar degdeg ah oo ragga iyo dumarkuba yeeshaan

    13. Finan wajiga iyo shafka ka soo baxa (Acne)

    14. Barar guud oo jidhka ah

    15. Waali (Mania)

    16. Cabsi iyo shaki badan (Paranoid)

    17. Hurdada oo yaraata

    18. Qalbi jab iyo walwal (Depression)

    19. Walaac iyo murugo (Anxiety)

    20. Xanaaq iyo gardaraysi (Aggression)

    21. Cudurka kushinka oo qofku qaado (Cushing syndrome)

    Sidaa awgeed culimada caafimaadku waxay isku raaceen dawooyinkaa in dhakhtiirta oo kaliyi ay qoraan, dhakhaatiirtaasi oo raacaya xeerarka caafimaad ee dawooyinkaa steroids-ka lamana ogola in dadku si caadi ah isaga iibsadaan una cunaan sida ay donaan.

    Dawadan Dexamethasone ma ha mid disha Viruska ama Bakteriyada iyo wixii kale Germs ah, waxaase loo isticmaalaa marka habdhiska neefsahsda siiba sambabadu ay barar ama qoyaan badan yeeshaan, ama uu cidhiidhyoomo sambabku, hadaba ha ahaado cudurka keenaya Covid 19 iyo mid kaleba ha ahaadee.

    Hadaba Anagu ka Gudi ahaan dhakhaatiirta la tacaasha xanuunkan Covid 19 ee dalkeena (Case Management Committee) Waxaan leenahay Buug anagu aan daabacanay kaasoo waafaqsan sida aduunku u daweeyo xanuunkan, dhakhatiirteena ayaase samaysatay, hadaba Manual Guideline-kaa waxaa noogu jira bukaanka inaan ku isticmaalno steroid sida prednisone, dexamethasone, hydrocortisone, waase marka marka cidda bukaankaa gacanta ku haysaa u garato uun.

    Walaalayaal waxaan ka qayb galay daawaynta bukaanada qaaday duraygan Covid 19 inta bukaan een duljoogsaday mid aan la siin dawooyinkaa steroids ka ma garanayo, wax tarna way u yeesheen. Laakiin waxaan ku siinaynay si taxadar leh oo ay tahay inaad bukaankii wax tarto, kana ilaaliso dhibaatooyinka ku laaban isticmaalka dawooyinkan ee ay ugu daran yihiin Macaanka iyo Dhiigkarka.

    Waxaa intaa dheer marka bukaanka xaaladiisu culustahay waxaa kuu qarsoomi kara in difaacii jidhku hoos u dhaco oo bukaankaagii cuduro kale oo cusubi kaaga dhacaan.Sidaa awgeed anigoo Walaalkiin ah, aqoonyahay wax u bartay dadkiisa ah, weliba anigoo matalaya Walaalahayga bahda Caafimaadka ee habeen iyo maalin idiin ah heeganka, Waxaan codsanaynaa inaan lagu dagmin la iskana raacin, qoraalada la soo dhigayo Baraha bulshada, ama goobaha kale ee wax lagu qoro.

    Fadlan walaal goob kasta ood joogto Gobol iyo Degmo, waxaan hubaa in laga helayo Dhakhtaro, Nurse, iyo hawlwadeeno caafimaad oo kugu hagi kara Dariiqa aad ku caafimaadayso, sidaa awgeed la tasho, una bandhigo cilada aad dareemayso, iyagaana kuu tilmaaami noca dawada ee aad u baahantahay.

    Ugu dambayn ka talo qaado dhakhtarkaaga sanadaha badan wax u baranayay inuu ka shaqeeyo cafimaadkaaga iyo caafimaadkayga, ha se barbar dhigin qoraal ama talo qof aan lahayn khibrad caafimaad soo qoray.

    Mahadsanidiin

    W/Q:  Dr. AHMED ADEN BUHANE (MD. MPH. MGE)

    Coronavirus Cudurka Corona Dexamethasone Dr. AHMED ADEN BUHANE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxay kala saxiixdeen oo ku heshiiyeen Dowladda Somalia & Somaliland? (Akhriso 5 Qodob)
    Next Article Safiirka Qatar ee Somalia oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Kismaayo & ujeedka socdaalkiisa

    Related Posts

    Bannaanbixii Darawallada Mooto-Bajaajta Muqdisho oo Qarka u saaran inuu Kacdoon isu bedelo

    August 14, 2024

    Saddex Dhalinyarro oo lagu Abaalmariyay Bilad Geesinimo iyo Shaqaaleysiin

    August 13, 2024

    Qaar ka mida Gabdhihii loo xiray Anshax-darrrada Baraha Bulshada oo Xukun lagu riday

    August 4, 2024

    Wasiir Caan ka ahaa Dowladii Kacaanka oo Geeriyooday (Akhriso Taariikhdiisa)

    July 9, 2024

    Nin ay Booliska Muqdisho u xireen dhaqan-xumo oo Dood ka dhaliyay Baraha Bulshada

    July 7, 2024

    Marxuum Jawaari oo Aas Qaran loogu Sameeyay Muqdisho iyo Madaxda ka qeyb gashay (Sawirro)

    June 29, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo