Digniin ku saabsan Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE, tasoo la filayo inay ku dhufato Waqooyiga Badweynta Hindiya ayaa looga digay inay ku soo fool leedahay inta badan Gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland iyo Puntland.
Duufaantaan ayaa la filayaa 24 ilaa 48-ka saac ee nagu soo fool leh, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaan ah oo waaweyn. Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.
Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.
Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.
Ma muuqdaan wax diyaargarow ah oo maamullada degaanadaasi ku jiraan, waxayna digniinta Q/Midoobay kasoo baxday maanta ay muujineysa heerka duufaanta oo ah mid weyn inay waxyeelo geysan karto.