Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Digniin la bixiyay Qorshe ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumo kale oo ay leedahay Shirkadda Hormuud

    Digniin la bixiyay Qorshe ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumo kale oo ay leedahay Shirkadda Hormuud

    February 6, 2019Updated:February 6, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa ka digay inuu jiro qorshe ciidamada Kenya ku doonayaan inay ku burburiyeen xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee ku yaalla Gobolka Gedo.

    Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

    Aadan Rufle ayaa tilmaamay inay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi.

    “Maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida ee NFD ayaa la keenay bilowgii bishii January degaanada Dhoobley iyo Afmadow, kuwo Wajeer laga soo soo wareejiyeyna waxay hadda ku sugan yihiin degmada Ceelwaaq Kenya, waxay qorsheynayaan sida aan xogta ku heleyno iney jaraan xarunta Hormuud ee isku xirta Ceelwaaq iyo B/xaawo oo isku jira 180-km, si loo barakiciyo dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, dhaqaale ahaan maadaama ay ku tiirsan yihiin Isgaarsiinta” ayuu yiri Col Rufle oo xusay in ciidamada Kenya ay horey u burburiyeen xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud taasoo uu buu yiri curyaamisay dhaqaalaha kumanaan Soomaali ah oo isticmaali jiray lacagaha telefanada lagu shubto.

    Waxaa uu sheegay in qorshaha ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee jubooyinka iyo Gedo uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka gobolada jubooyinka iyo Gedo ee ku nool meelaha u dhow xadka.

    “Ciidamada Kenya waxay mar walba duulaan ku ahaayeen nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, sida burburinta shirkadaha Isgaaasiinta. xawaaladaha, leynta xoolaha nool oo marna ay dayuuraddo ku duqeeyaan marna rasaas ku furaan, jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha iyo weliba dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin” ayuu yiri sarkaalkan.

    Col. Rufle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe lagu soo dhoweeyo laguna qaabilo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, wilkiisa oo sarkaal ah iyo Cali Bilow Qorane oo ka tirsan masuuliyiinta gobolka W/bari Kenya, kuwaasoo uu sheegay iney masuul ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo iyo Jubooyinka.

    Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinka cusub ee ciidamada Kenya la damacsan yihiin xarumaha Hormuud, kalana xisaabtanto dowlada Kenya dhibaatooyinkii ay horey u geysteen.

    Gedo Hormuud Kenya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh Maxamuud oo hoygiisa Magaalada Beledweyne ugu tegay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif [Sawirro]
    Next Article XOG: Bixinta Baasaborka Soomaaliga oo 2 bilood kaddib Dib loo bilaabay & Shirkadii hore oo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo