Maamulka Gobolka Banaadir ayaa welwel ka muujiyey inay caasimadda Muqdisho soo galeen Alshabaab badan oo kasoo cararray gobollada ay dagaallada ka socdaan.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Alshabaab badan ay kusoo qulquleen caasimadda, kadib dagaalka lagu qaaday ee ka socda Gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, loona baahan yahay in laga digtoonaado.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii dabagal loogu sameyn lahaa Alshabaabka doonaya inay falal amni darro ka sameeyaan caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hore u sheegay in Alshabaab badan ay kusoo qaxeen caasimadda, kadib dagaaladii lagu qaaday, waxaana muddooyinkii danbe magaalada Muqdisho ka socday howlgallo amni.
Waxaa dhowaan laga war helay digniin amni oo ku wajahan xarumo ka mida dhismayaasha dowladda oo isugu jira wasaarado dhowr ah, iyadoo la sheegay inay kusoo wajahan yihiin weerarro, taasoo keenay in xarumahaasi la yareeyo shaqaalaha ka howlgala.