Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Digniin laga soo saaray Colaadda raagtay ee Degaano ka tirsan Degmada Cadalle [War-saxaafadeed]

    Digniin laga soo saaray Colaadda raagtay ee Degaano ka tirsan Degmada Cadalle [War-saxaafadeed]

    October 17, 20184 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dagaal
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    DALADDA MIDOWGA URURADA WARMOCAD ayaa soo saaray digniin ku saabsan colaadda mudadda dheer ka taagneyd degaano ka tirsan degaanada hoos taga degmada Caddalle ee Gobolka Sh/Dhexe.

    War-saxaafadeedka oo si qoto dheer uga hadlaya xaaladda tuullooyinka hoos taga degmada Cadalla ayaa soo saaray qodobo isugu jira baaq, digniin iyo soo-jeedin, waxaana war-saxaafadeedku u qornaa sida soo socota:

       DIGNIIN KU AADDAN XAALADDA COLAADDA RAAGTAY EE DEGAANO KA TIRSAN DEGMADA CADALE EE GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE

    Taarikhdu markey ahayd 15-ka October 2018 waxaa shir isugu yimid guddiga WARMACAD kaas oo looga hadlaaye waxyaabihii ka qabsoomey hirgelinta hishiiskii is afgaradka ahaa ee dhex marey beelaha dega tuulooyinka Koogar iyo Ceel xarar ee nawaaxiga degmada Cadale.

    Guddigu waxuu si aad ah oo qoto dheer uga dooday baahida loo qabo in wax laga qabto dhibaatada aan la soo koobi karin ee heysata dadkii  ka soo barakacay tuulada Koogar ee hoos timaada degmada Cadale ee gobalka shabeelada Dhexe.

    Guddiga WARMACAD wuxuu dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshey waxa ka imaan karo hirgelin la’aanta waxyaabihii laysku soo afgartey shirkii cadale taas oo Hirshabelle ay balan qaadey in muddo 45 casho ah ku dhaqan geliso muddadaas oo ku eg maanta. Sidaas darteed, wuxuu dhaliil u soo jeedinaya maamulka Hir-Shabeelle iyo kan G.Shabeelaha dhexe gudasho la’aan ballantii ay qaadeen, waxuuna guddigu  soo saarayaa digniin ku wajahan arrinkaas, oo toosna ugu socta maamulka Hirshabeelle iyo kan gobalka Shabeellada dhexe. Daladda ururada WARMOCAD ee caalamka, kadib markii ay aragtay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay tuulada BURDHEERE kuwaas oo guryahoodii lagu gubay hantidoodiina ay ku baaba’day dagaalo hore uga dhacay degaankaas,  haddana ay u baahan yihiin waxqabad degdeg ah.

    • Kadib, markii uu guddigu arkay in xaaladda dadkaan iyo duunyadooda aaney jirin cid ugu maqan xal degdeg ah.
    • Kadib markii uu arkay in xaalku sii daba dheeraanayo, oo hadda laga joogo qiyaastii ku dhawaad laba sannadood.
    • Kadib markii uu arkay in dhowr jeer oo hore la qabtay kulamo arrinkaa ku saabsan oo wax looga qabanayo, laguna kala qabtay magaalooyinka Jowhar iyo Cadale, in wixii ka soo baxay shirarkaas ee lagu balamay ay noqdeen go’aano aan wax ka soo qaad laheyn oo ku eg meeshii looga dhawaaqay.

    Daladda midowga ururada WARMOCAD ee caalamka waxay soo jeedineysaa qodobada hoos ku xusan:-  

    1. Waxaan soo jeedineynaa, in Hirshabeelle iyo maamulka G.Sh.Dhexe ay caddeeyaan mowqifkooda iyo waxyaabiha keenay dib u dhacyadaas is xigxiga, una istaagaan dhameystirka gudashada hawshaas ay ballan qaadeen, waajibkuna ka saaran yahay.
    2. In maamulka Hir-shabeele sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyo hirgelinta hishiisyadii laysku soo afgartey si loo baajiyo dagaalo dib uga soo cusboonaado nawaaxiga degmada cadale.
    3. Daladda WARMOCAD, Waxay ku baaqeysaa in gurmad degdeg ah lala gaaro dadkaas dhibaatadu ku dhacday.
    4. Daladda ururada Warmocad, waxay u taagan tahay mar walba nabadeynta dadka walaalaha ah ee colaaddu dhex martay iyo in meel la isgu keeno, dibna loo soo celiyo walaalnimadii, ehelnimadii,xididnimadii soo jireenka aheyd ee ka dhexeysay.
    5. Daladda WARMOCAD, oo aad xogogaal ugu ah kaalintii ay dawladda federaalka kula laheyd qabashada iyo gacan ka geysashada shirarkii dib-u-heshiisiineed ee labadan beelood , ayaa waxay mar kale ugu baaqeysaa in dawladdu ay la soo gaarto kaalmo degdeg ah dadkaas mudada dheer ku nool xaaladaas adag.
    6. Daladda Warmocad, waxay diyaar u tahay in ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan nabadda, waxayna diyaar u tahay iney kala shaqeyso cid kasta oo u taagan arrinkaas daacadna ka ah.
    7. Daladda WARMOCAD, waxay soo jeedineysaa in loo baahan yahay kaalintii soo jireenka aheyd ee culimada diinta iyo duubabka dhaqanka, waxayna ku boorineysaa in ay qaataan kaalintoodii kaga aadaneyd xaaladaas.
    8. Daladda WARMOCAD, waxay ka digeysaa mar haddii aan xal rasmi ah laga gaarin qilaafka beelahaasi, in mashruuca macawisleyda ee degaanadaas laga abaabulayo laguna hubeynayo maleeshiyaad beeleed degaanka ka soo jeeda ay xaaladda uga sii dari karto, iyadoo ay suuragalna ay tahay in beelahaas oo hal dhinac ah ay hubkaas u isticmaalan qilaafka ka dhaxeeya dadka degan tuulada koogar iyo Ceel xarar.
    9. Ugu dambeyn daladda WARMCAD, waxay aad isha ku heysaa xaaladda degaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan degaanka maamul goboleedka HIRSHABELLE, waxeyna diyaar u tahay gudashada howlaha kaga aaddan nabadda, gargaarka iyo arrimaha bulshada inay kala shaqeyso maamulka Hirshabeelle.

    WABILLAHI TOWFIIQ

    Maxamed Cabdi Alifleey (Guddoomiyaha midowga daladda  ururada  WARMOCAD)

    Cadalle Sh/dhexe Warmacad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO WAR-SAXAAFADEED: Wasiirada Arrimaha Dibadda Somalia, Itoobiya iyo Eriteria oo ku shiray Muqdisho
    Next Article Xildhibaan Xasan Sheekh: “Dowladda hadda jirta meelaha ay ka gaabisay waxaa ka mida Amniga..” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo