Hay’adaha ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku saabsan in weeraro hor leh ay ka dhici karaan magaalada kadib weerarkii dhiigga badan ku daatay ee saaka kooxda Alshabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Digniinta ayaa sheegaysa inay jiraan dabley kale iyo baabuur waxyaabo qarxa saaran yihiin oo la tuhunsan yahay inay magaalada ku jiraan, lagana yaabo inay weeraro cusub fuliyaan, waxaana Hoteelada iyo Isbitaalada loo sheegay inay yihiin bartilmaameedyo weeraro ku soo fool leeyihiin, sidaas darteedna ay muujiyaan feejignana dheeraad ah.
Warkan ayaa soo baxay kadib markii la soo afjaray weerarkii Hotel Saxafi oo dad badan oo caana lagu dilay. waxayna ciidamada dowladda ku qaadatay inay muddo 4 saacadood ah howlgalkaasi ku dhammaado.
Wadani.com