War-murtiyeedii ka soo baxay shirkii wadatashiga Soomaaliya oo looga hadlay arrimaha hiigsiga cusub iyo qaabka doorasho loo gaarsiin karo dalka ayaa lagu soo daray qodob ka hadlaya in tallaabo laga qaadayo ciddii isku dayda inay ka hor timaada dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay in dowladdu inay ergadu isku raacday inaan loo dulqaadan cidkasta oo ka hortimaada qodobadii kasoo baxay shirka.
Lama oga cidda loo jeedo ee sida gaarka ah loo tilmaamayo, laakiin ilaa iyo hadda waxaa jira qeybo ka soo horjeeda shirka wadatashiga oo caddeystay inaysan quseynin wixii ka soo baxa shirkaasi sida kooxda Ahlu suna ee gobolada dhexe oo ah kooxda kaliya ee hubeysan ee farta lagu fiiqi karo.
Alshabaab oo dagaal kala dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa ka baxsan kuwo ay saameyn ku leedahay hanjabaadaasi.
DHAGEYSO CODKA ODOWAA
Wadani.com