Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaalya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah furay diiwaan gelinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay la doonayo in askari kasta uu mushaarkiisa ka qaadan doono akoon u gaara.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in arirntan looga gudbayo nidaamka lacagaha kaashka ah gacanta lagu qeybin jiray, taasoo dhibaato weyn ahay muddo dheer, maadaama ciidamada kala joogaan degaano aad u kala fog.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaasheegay haddii tallaabadan si rasmi ah loogu guuleysto inay noqon doonto mid wax badan ka bedasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.
Diiwaan gelinta tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed loogu furayo askari kasta waxaa maanta loogu bilaabay Ciidamada Milateriga ee ilaalada Madaxtooyada.
SAWIRRO








![Diiwaan gelin ku saabsan Mushaar bixinta ciidamada Milateriga oo Muqdisho ka bilaabatay [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/11/Mushaar-milateri.jpg)