Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Caawa fal dil ah ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dilka oo ay geysteen koox dabley ah ayaa lagu khaarijiyay Sheekh Caan ka ahaa degmada Kaaraan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Caddow Maxamuud.
Sheekha ayaa la toogtay xilli uu kasoo baxay salaadii Maqrib, xaafada Buulada Axmed Cabdalla ee degmada Kaaraan, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falka dilka ah geysatay.
Dilkan ayaa naxdin ku noqday dadka degaanka, iyadoo Sheekhu ahaa qof aan waxba galabsan oo aan la garan sababta dilkiisa.
Wadani.com