Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal dilal ah caawa ka dhacay magaalada.
Nin lagu magacaabo Axmed C/qaadir Xuseen oo la sheegay inuu ahaa Nin Garaash ku leh degaan ka Xamarbile ee degmada Wardhiigley ayaa koox hubeysan toogasho ku dileen, iyagoo ka baxsaday goobta.
Axmed C/qaadir Xuseen ayaa wararka qaarkood sheegayaan inuu ka mid ahaa ergada magaalada Cadaado ku soo dooratay Baarlamaanka Federaalka.
Ciidamada xasilinta ammaanka ayaa goobta gaaray, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay falkaasi dilka ahaa.
Isla maanta waxaa Muqdisho lagu dilay nin oday sarifle ahaa oo la sheegay inuu isna ka mid ahaa ergadii dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Wadani