Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaara ahaan Busteejada dhismaha Daallo ee baabuurta BL-ka laga raaco, waxayna dableyda rasaas ku fureen askariga oo ka tirsanaa cidiimada Booliska, kaasoo goobta ku geeriyooday, iyadoo kadibna baxsaday.
Ciidamada amniga ayaa tegay goobta dilku ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka askariga la dilay, iyadoo aanay suuragelin in lasoo qabto dableydii falkaasi ka danbeysay.
Hay’adaha amniga ayaan wax war ah kasoo saarin falkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dilalka qorsheysan intooda badan sheegta Alshabaab.