Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Falkan oo maqribnimadii caawa ka dhacay isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay toogteen nin rayid ahaa oo ka mida dadka rara gaadiidka dadweynaha, kaasoo ku sugnaa isgoyska bakaaraha, waxaana la sheegay in markii ay tooganayeen ay muuqaal ka duubteen.
Askar ka mida Millateriga oo goobta ku sugnaa ayaal a sheegay inay rasaaseeyeen dalbeydii dilka geystay, balse ay baxsadeen markii ay dhax galeen dad fara badan oo ku sugnaa goobtaasi.
Suuqa Bakaaraha ayaa ka mida goobaha ay dilalka qorsheysan ka fuliyaan kooxda Daacish oo ku caan baxday inay muuqaallo ka duubato dalalka ay ka fuliso, iyagoo isla goobtaasi hore ugu dilay askari ka tirsan Taraafikada.