Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lasoo weriyey in maanta lagu dilay degaanka Xoosh, degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
Dilkan khaarijint ahaa ayaa waxaa sheegtay Alshabaab oo war kasoo baxay lagu shaaciyey in maleeshiyadooda ay dil ka fuliyeen xaafadda Xoosh degmada Dheerkeynley, iyadoo toogtay sarkaal xigeen ka tirsanaa ciidamada ilaalada degaanka ee minishiibyada.
Askariga la dilay ayey Alshabaab maagciisa u sheegtay Abukar Cali Xuseen. Waxaa goobta ka baxsaday dableydii dilkaasi geysatay.
Shalay ayey ahayd markii Alshabaab Qarax miino ku dileen guddoomiyihii degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Afrax, waxayna sii xoojiyeen falalka khaarijinta ah iyo qaraxyada ah ee ay ka wadaan caasimadda.
