Dil naxdin leh ayaa k dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib markii Askari ka tirsanaan jiray Ciidamada Puntland la sheegay inuu xalay dilay Wiil iyo Aabihiis oo ku sugnaa Hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in askarigan uu ahaa mid qabay xanuun dhinaca neerfaha ah, isagoo rasaas ku furay labada qof oo kala ahaa Wiilka iyo Aabihii, waxaana ninkaasi gacanta ku dhigay ciidamada amniga iyadoo ay baaritaan ku hayaan kiiska.
Warara kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladda ninka dilka geystay iyo sababta dilkaasi, waxaana la sheegay in ninka dilka geystay laga saaray ciidamada Puntland, iyadoo laga qaadya Qorigii uu heystay.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan saalax ismaaciil. oo ahaa sheekh caan ka ah magaalada, waxaana sidoo kale isla goobta ku geeriyooday wiilkiisa. Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin falkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo qeybta ay ka maamulaan