Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Dilka Xildhibaan Aamina oo kordhiyey Tuhunkii Wada-shaqeynta Kooxda Farmaajo iyo Alshabaab

    Dilka Xildhibaan Aamina oo kordhiyey Tuhunkii Wada-shaqeynta Kooxda Farmaajo iyo Alshabaab

    March 24, 2022Updated:March 25, 20223 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akhriso: Siyaasiyiin iyo Dadweynihii ugu badnaa oo Madaxtooyada Soomaaliya ku tuhunsan khaarijinta Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

    Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne oo lagu laayey dad ay ka mid tahay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

    Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne oo ay degan yihiin madaxda maamulka iyo musharixiinta, waxaana geystay qof is-miidaamiye ah oo si toos ah u beegsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, wuxuuna halkaas ku dilay xildhibaannada iyo dadkii la socday.

    Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa ahayd xildhibaanad caan ah oo difaacda xuquuqda dadka, waxayna si gaara ugu istaagtay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, taasoo lagu waayey Hay’adda, lagu tuhmay madaxda NISA.

    Waxay olole ugu jirtay in dib loogu doorto kursiga HOP135 oo ay ku fadhiday 9-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin waxaa dagaal kula jiray Madaxtooyada Soomaaliya oo wadatay musharax ay dooneysay in kursigaasi loo xiro.

    Arrimahaas oo dhan waxay dhaliyeen shaki iyo tuhun ku saabsan in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku lug lahayd khaarijinta Xildhibaan Aamina, inkastoo ay Alshabaab fulisay, waxaana tuhunkan qaba dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka oo mowqifkooda ku muujiyey Baraha Bulshada.

    Ra’iisal wasaare Rooble ayaa si cad u sheegay inay xildhibaan Ikraan u dhimatay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo si toos ah u tuhmay Farmaajo iyo kooxdiisa. Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in dilka uu yahay mid siyaasadeysan.

    Madaxweynihii hore ee Hirshabealle Maxamed Cabdi Waare oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka fal celiyay waxa Beledweyne ka dhacay ayaa ku dooday inaan sinnaba Villa Somalia uga baxsan karin ku lug lahaanshaha dilka xildhibaan Aamina.

    Falcelin ay dadka Soomaalida ka bixiyeen Tacsida uu Maxamed Farmaajo soo dhigay Bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa ku dhowaad 90% waxay dadku ku eedeeyeen Farmaajo iyo kooxdiisa inay iyagu dileen AAMINA, haddana ay tacsi u dirayaan..!

    Dareenka sii kordhaya ee siyaasiyiint iyo dadka caadiga ah wuxuu muujinayaa in hoggaanka Farmaajo laga aamin baxay oo ay mar kale sii xoogeysatay fikradda ah inay kooxda Farmaajo iyo Fahad ay la shaqeeyaan Alshabaab, xitaa haddii ay taasi tahay ka badbadis, waxaa hadda dadku aqbalayaan in Farmaajo iyo Alshabaab ay yihiin ‘LABA SHABAAB’ , waana heerka ugu xun ee laga aamini lahaa kooxda dalka maamuleysay 5-tii sano ee lasoo dhaafay oo weli xilka ku dhegan, rajana ka qabta inay soo laabato ama iska sii heysato hoggaanka.

    “Xildhibaan Aamina AUN. Waxaa igu maqaalaa in naftiI-haliguhu isku duubay, haddii ay taasi rumowdo, ma garanayo sabab ay AlShabaab ugu muhiimsanaatay dilka Amina xildhibaanada iyo madaxda kale ee dhoobnaa madaxtooyada Beledwayne. Xil. Amina dadkii ay is hayeen faraa ku godan” -XUSEEN SHEEKH CALI- agaasimaha Machadka Hiraal- la-taliyihii hore ee Amniga Farmaajo iyo Xasan Sheekh.

    Wadani.net

    Alshabab Fahad Yaasiin Farmaajo Qarax Top Xildhibaan-Aamina
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRooble: “Xildhibaan Aamino waxaa loo dilay si aysan caddaaladda ‘Ikran’ u guuleysan”
    Next Article Dilka Aamina Maxamed: Arrin ugub ku ah siyaasadda Somaliya haddii ay.. (Qormo)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo