Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke (Qalinkii Prof. Yaxye Sheekh Caamir)

    Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke (Qalinkii Prof. Yaxye Sheekh Caamir)

    November 14, 20165 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Yaa Dilay ? Maxaa loo dilay?
    Leysma weydiin sababta loo dilay inkastoo dilkiisa lala xiriiriyo doorashadii.

    Fiiri marqaati buuga Kashfu Suduul Can Taariikhi Soomaal ee uu qor Sheekh Axmad Cabdalla bogga 20aad. Qoraalada qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL, Sabab kasta halloo dilee waxaa la ogyahay in la dilay 15-kii Ok. 1969-kii saacadu markey aheyd 11 subaxnimo waxaa lagu dilay magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool, hal usbuuc Kacaanka ka hor, waxaana dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska, kaa oo dib laga toogtay 10-kii Feb. 1971-kii.

    crashiid-caliMarka Madaxweynaha la dilayay Ra’isui Wasaare Cigaal wuxuu ku maqnaa Mareykanka sida ku cad buuga Somali Rev. ee uu qoray Lugi bogga 294. Dilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka horeeyey isku day dil oo fashilmay oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, ayadoo lagu weeraray Bambo gacmeed agagaarka Garoonka dayaaradaha Md. Adan Cabdulle ee Muqdisho sanadkii 1968.

    In kastoo xeer ilaaliyihi guud ee kacaanku yiri”Dambiilaha xukunkiisa dilka ah waan fulinaynaa, hase ahaate dambi baarista waa sii wadeynaa. Illaa iyo hadda lama maqal wax ka soo baxay baaritaankii. ((( hala yaabin Hadda haddii aad maqasho, guddi arrintaa baara ayaa loo saaray, jawaabna aad weysid waxa ay noqotay dhaqanka dowlad somaaliyeed)))

    Dadkii aan baaritaanka ka sugeeynay hadalkoodii waxaa ugu dambeeysay iyaga oo leh : dilaaga waxaa la yiraa-saciid orfano . Police-kii baaritaanka laas caano loogu diray waxaa ka mid ahaa: Jan.Abdi Ibrahim (Waqooye), Xeer illaaliye Ina Farax iyo col. Xirsi kanadiid .

    Gudigaa kacaanku u magacaabay baaritaanka sababihii dilka waxaa ka horeeyay Guddi kale oo dowladdii shibilku magacaawday. Fiiri Marqaati Madaxweynihii KMG Sheekh Muqaar Maxamed Xuseen dikareetadii ugu horeysay ee uu saxiixo oo aan filaayo iney aheyd tii ugu dambeysay, wuxuu ku saxiixay Md. Sheekh Muqtaar Xuseen oo ah Madaxweynaha KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Fiiri: Marqaati buuga ururinta “Pollattino Officialo” bogga 1582aad. Dikareetada sharci ee lambarkeedu yahay 16, qodobka 6aad ee soo baxay 19-kii Octoobar 1969-kii (laba maalin kacaanka ka hor) taa oo Madaxweyne sheekh Muqtaar uu ku magacaabay guddi soo baara dilkii C/rashiid cali sharmaarke, guddiga uu magacaabay oo ka koobnaa sagaal qofood oo kala ahaa Axmed Yusuf Maxamed (canjeex), Yusuf Sh.Ibraahim, Dr .Maxamed Sheikh Gabyow, C/raxmaan Maxamuud (Dubay), C/laahi Cabdi Garon, Maxamed Cali Darie, C/laahi Maxamed Qablan, Anthonary Mariano, Dr.NlKola Maxamed. Gudigaa oo Madaxweynaha KMG Sheekh Muqtaar u xilsaaray, oo inta ayna bilaaban shaqadoodii la carqaladeeyay oo asiga iyo gudigiiba xabsiga la dhigay markii kacaankii dhashay.

    Qoraala kale ayey ku qoran tahay in dilaaga oo aad loo cadaadiyay uu yiri: cidina ilama ogeyn. Dilaaga oo ka mid ahaa dadka dega Iskushuban nawaaxigeeda halkaa oo ay ka dheceen dagaalo doorasho la xiriiray ayada oo Xaji Ismail Boqor lagu dilay Iskushuban. cabasha kale ayaa jirtay oo aheed in 2dii kursi ee Isku shuban oo cadaalad daro u dhacday lana siiyay laba nin oo isku jufo ah, horana xildhbaana u ahaa. Guud ahaan dalkana dorasho cadaalad ah kama dhicin waqtigaa. Taa oo lagu eedeeynayay Xisbigii xukunka hayay ee Xaaji Muse boqor oo qaraabo la ahaa cabdirashiid. ((( doorashada aan sugeeyno 2016 Gobalada iyo dalka si cadaalad ah ma uga socotaa,mise taa hore ayaa noo noqotay dhaqan dowlad Soomaaliyeed)))

    Asgarigaa dilka geystay ayaa loogu yeeraa laba magac oo kala ah: Saciid Yuusuf Ismaaciil askari No# 4745 iyo Cabdulqaadir Cabdi Maxamed, waxaa la sheegay in uu magac been ah ciidamada poliska ku soo galay, wuxuu ahaa 22 jir, mudda yar dilka madaxweynaha ka hor ayaa ciidanka loo qoray kadibna gobalkaa dilku ka dhici doono ayaa loo bedelay. (Source “Puntite”). Wuxuuna ka mid noqday ciidan Laba maalmood ka hor imaatinkii madaxwaynaha la geeyay magaalada Laas caanood si ay nabadgalyadiisa u sugaan.

    Madaxweynuhu markii la diley wuxuu booqasho ku marayey dhulkaas asagoo ka jawaabayey abaaro xoogan oo ku dhufteen, Laakin Qoraaga Aw Jaamac Cumar Ciise buugiisa ( qaran jabkii Soomaaliya) wuxuu ku qoray in madaxwayne Cabdirashiid uu bilaabay inuu ku soo wareego gobolada dalka gudihisa qaarkood, gaar ahaan magaalooyinka kala ah Caluula, Boosaaso, Hargeysa, Burco, iyo Laas Caanood, taasina waxay ahayd xeer jiray, in madaxwaynuhu labadii sannaba mar uu tago gobolada, mana jirin xilli go,an oo lagu beego tegidiisa, waxaana sii raacay gudoomiyihii baarlamanka (Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen), aw jaamac wuxuu leeyahay…. sida runta ahna xilligaas siyaasada dalka waxaa hogaaminayey qabiil iyo nin jeclaysi , xidid iyo xigaalo.

    Maalmihii Cabdarashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ayaa odoyaal qabiilka siwaaqroon ah oo dowlada dulmi ka tirsanayey, waxay usheegen arrimo eed sheegad ah iyo waxqabad la’aan, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka arrimaha gudaha ayaan arjigiina u gudbinaya, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamed Cawad ayaa gabay Haanfiil ah oo uu geerida madaxwaynaha ku yu’anaayo tiriyey waxuuna yiri:

    a)*Run Ilaah Rashiidoow ma tihid kii Ilaah rabaye — Soomaali baad kala rartay oo reerba meel dagaye*.

    b)*rafaad noqotay dunidii markii Ray lagaa dhigaye — kol hadaad Ra’iis sida Jamaal laguugu raacaynin*.

    c)*rucbi kugu dhaca iyo cudur xun oo raarta kula jiifa — Ruush iyo midaan lagu daweyn Rooma iyo Kiinya.*

    d)*kursigoo kula ruxda iyo ciidankoo talada kaa riixda — Rabbi waxaan baryaaya inaadan raagin oo jirine*.

    Yu’aashadii ama qumay nimadii Aw jaamac sheegay ma kuu muuqataa.

    Geeridii Madaxweynaha kadib Waxaa la soo jeediyay in si deg deg ah loo doorto madaxweyne . Qaar badan oo baarlamanka ihi waa diideen xukuumad degdeg ah ayadoo maydkii madaxweeynaha aan weli la aasin, laakin sida qoraalada qaar ay leeyihiin, lacag badan ayaa la bixiyay 17/Octobar/1969, waxaa la go’aamiyay 20kii oktobar marka la aaso madaxweynaha in lagu dawaaqo in Xaaji Muuse Boqor uu yahay madaxweyne subaxa 21/ Octobar 1969ka. laakin isla subaxii waxaa dhashay kacaankii, inkasoo loo digay golihii baarlamaanka in inqilaab ciidan dhacayo haddana toodaa uga muhimsaneed.

    Qore: Yahya Amir

    C/rashiid Cali Sharma'arke Maxaa loo dilay C/rashiid Yaa dilay C/rashiid
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir laga adkaaday iyo wiil dhalinyar oo ku soo baxay Xildhibaan Doorashadii Kismaayo
    Next Article WARBIXIN: Itoobiya oo ku hanjabtay inay ciidameeda kala baxeyso Soomaaliya [Akhri sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo