Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dingiin laga bixiyay in Alshabaab ay ku dayan karto Daalibaan, Haddii ay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM

    Dingiin laga bixiyay in Alshabaab ay ku dayan karto Daalibaan, Haddii ay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM

    August 17, 20212 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qabsashada degdegta ah ee Taalibaan ay ku qabsatay Afghanistan ayaa muujineysa walaac ah inay dhiirri-gelin karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka, sida Al-shabaabka Soomaaliya.

    Khubaradu waxay ka digayaan in haddii howlgalka caalamiga ah ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan, ayna ka baxaan dalka in dunidu arki karto soo noqnoqoshada wixii ka dhacay Afghanistan oo kale.

    Cabdusalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajihi karto xaalad la mid ah tan Afghanistan, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo afjarin ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

    Guuleed ayaa hadalkan sheegay maalin kaddib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuuna sheegay in inkasta oo Al-Shabab aysan lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaysan waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

    Ku xigeenkii hore ee ee Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, Guuleed, wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ayna mas’uul ka yihiin amniga inta badan gobollada dalka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

    Bishii Abriil, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM. Qorshahan ayaa ah istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas’uuliyadaha amniga – hay’adaha amniga Soomaaliya kahor bixitaankooda, waxaana qorshahan oo la saxiixay 2018 ku jira dhimista ciidamada shisheeye.

    Bishii la soo dhaafay, milateriga ayaa sheegay in ka badan 250 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallada milateriga Soomaaliya oo aan caawimaad ka helin AMISOM.


    Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah, la -taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, wuxuu si adag u diiday in la isbarbar dhigo xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo Kabul, ama milateriga Soomaaliya oo la barbardhigay ciidamada Afghanistan.

    Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ayaa Al-Shabab ka saaray Muqdisho 2011, laakiin kooxda ayaa wali fulisa qaraxyo iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Waxay dhowaan ay ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka Soomaaliya ee socda, iyadoo uga digtay ergooyinka qabaa’ilka inaysan ka qayb qaadan howlaha doorashada.

    Alshabab AMISOM Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJoe Biden: Afghanistan uma tegin inaan Dowlad u dhisno, ama difaacno Dowlad aysan ciidankeedu dagaal rabin”
    Next Article Wasiir ka tirsan Dowladda Somaliya: “Ajnabi dal ma maamuli karo, wixii ka dhacay Afghanistan ayaa Somaliya..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo