Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu socdaan abaabulo dagaal oo loogu diyaar garoobayo weerar lagu qaado xarunta ugu weyn ee Alshabaab ee Gobolka SH/Dhexe iyo degmada kaliya ee ka hartay gacan ku heynta Alshabab.
Ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda ayaai su diyaairnaya guluf ay ku qaadaan degmada Aadan Yabaal, arrintan ayaa ka danbeysay markii ay degaanka Nuur Dugle gaareen xildhibaanno iyo siyaasiyiinta ugu badneyd Beesha degaanka.
Degaanka Huurshe ee duleedka Nur-Dugle ayaa dhowaan waxaa ka dhacay dagaal culus, kadib markii Alshabaab weerar rogaal celis ah kusoo qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo markii danbe lagu jebiyay Alshabaab.
Xildhibaannada dhiirigeinta ugu tegay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan degaanka Nuur Dugle ayaa ballanqaaday in maalmaha soo socda gacanta Alshabaab laga bixin doono degmada Aadan Yabaal.
