Shaqaalaha kooxda Manchester City ayaa laga daadgureeyay si degdeg diyaarad ay u raaci rabeen magaalada Bucharest ee dalka Romania kadib markii dab ka kacay qeybta hore ee diyaaradaasi.
Shaqaalaha kooxda Man City ee diyaaradda la socday waxaa ka id ahaa ciyaaryahankii hore ee koxoda Mike Summerbee, shirkadda kooxda taageerta, weriyeyaal, waxayna ka mid ahaayeen kooxda oo maanta ku sii jeeday dalka Romania oo ciyaar ka tirsan is reebreebka horyaalka Yurub ee Champions League la ciyaaraha kooxda Steaua.
Diyaaradda ayaa ku sugneyd garoonka Manchester isniintii saaka, waxaana saarnaa inta badan dadkii raaci lahaa diyaaradda markii uu dabka qabsaday qeybta hore ee diyaaradda.
Wararka ayaa sheegaya inaysan cidka wax ku noqon dabkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay qaboojiyaha diyaaradda, waxaana laga daadgureyay dhammaan dadkii saarnaa diyaarada.
Markii danbe ayaa shaqaalaha iyo dadka ka midka ahaa kooxda Manchester City waxaa garoonka ka qaaday diyaarad laga leeyahay Romania.
Dhinaca kale waxaa warka ka mida in laacibka Yahye Toure laga tegay oo aanu ka mid noqon kooxda Man City ee u safartay dalka Romania taasoo caddeyn u ah in tababare Guardiola uu daaqada ka saaray laacibka reer Afrika ee khadka dhexe kooxda u heyn jiray.
Wadani.com