Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo ayaa si degdeg ugu degtay Garoonk ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay cilad qabsatay.
Diyaaradda waxaa la socday 120 Rakaab ah oo ay ku jireen 3 Wasiir, 10-Xildhibaan, waxaa kaloo saarnaa Taliyihii hore ee Hay’adda NISA C/raxmaan Tuuryare, waxaana la sheegay inay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.
Cilad dhinaca matoorka ah ayaa soo wajahday Diyaaradda Daallo, waxaana isla markiiba garoonka Jomo Kemyatta loogu diyaariyay Dab-damis iyo gurmad degdeg ah, waxaana heegan la geliyay dadkii la tacaali lahaa haddii ay dhibaato ku dhacdo diyaaradda caga-dhigato Garoonka Jomo Kenyatta.
Mid ka mid ah Rakaabka la socday Diyaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac ayaa sheegy inuu qorshuhu ahaa inay Diyaaraddu ku degto Garoonka Wajeer ee W/Bari Kenya, balse loo diiday fasax ay ku soo degi karto.
Waxa uu intaasi ku daray inay si toos ah ugu soo duuleen Garoonka Nairobi, wuxuuna xusay inay cillad dhinaca Matoorka ay sababtay arrintaasi.
Si kastaba ha ahaatee, ma ha markii ugu horreysay ee ay Diyaaraddaha Shirkadda Daallo la soo gudboonaadaan Cillado dhinaca Makaanikadda ah.