Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ay asheegaya in maanta Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ay ku degi weyday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo siday rakaab badan ayay u suurgeli weyday inay caga dhigato Garoonka Muqdisho, iyadoo la sheegay inay lugaha ay u bixi waayeen. Waxayna muddo saddex jeer ah ku dul wareegatay garoonka.
Warar aan la xaqiijin aya sheegaya in in Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ay ku andacootay inay diyaaradooda u degi weysay hawada oo xumeyd darteed, taasoo dadkii garoonka ku sugnaa ay la yaabeen.
Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegaya in diyaarada Turkish Airlines ee marinkeedu ahaa Muqdisho ay ku degta magaalada Jabuuti, halkaasoo ay dhigtay rakaabkii saarnaa.
Wadani.com