Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa lagu soo riday gobolka Afrin ee dalka Suuriya. Dowladda Turkiga ayaa in muddo ah halkaasi ka waday howgal ka dhan ah dagaalyahanada Kurdiyiinta.
Ugu yaraan labo qof oo sarnaa diyaarada ayaa dhimatay, waxaana ilaa iyo hada aan kala cadeyn in diyaaradaasi lasoo riday ay tahay mid xamuul iyo inay tahay kuwa wax duqeeya.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan oo ka hadlay diyaaradan lasoo riday ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay la ciqaabi doono.
Ciidanka lugta ee Turkiga ayaa bilooyin kahor u gudbay waqooyiga Suuriya, halkaa oo ay ka bilabeen howgal Turkigu uu kaga sifeynayo dagaallamayaasha kuridiyiinta oo ay dowladdu ku tilmaamtay argagixiso.
Dagaalyahanada YPG ayaa qeyb ka ah is bahaysi uu Maraykanku taageero oo ay ku jiraan tiro dagaallamayaal ah oo ka socda miliishiayada carbeed ee SDF.
Dadka qaar na waxaa ay hwogalka Turkigu u ka wado waqooyiga Suuriya ay u arkaan arkaan mid sii murjinaya xaalada cakiran ee dalka Suuriya.