Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad gargaar siday lagu rasaaseeyay Garoonka degmada Qansaxdheere xilli ay ku dageysay Garoonkaasi.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay rasaas fudud Garabka ayna si nabad ah ugu degtay Garoonka Qansaxdheere, kadibna ay ku laabatay magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda ka danbeysay rasaaseynta diyaaradda, iyadoo ay garoonka Qansaxdheere gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.
Diyaaradda ayaa waxaa diray Hay’adda WFP ee Q/Midoobay, waxayna siday gargaar u badan cuntada nafaqada caruurta oo loogu talogalay urur ka howlgala degmada Qansaxdheere.
Guddoomiyaha Degmada Qansaxdheere C/risaaq Cabdi Ibraahim ayaa beeniyey in ciidamada Itoobiya ay rasaaseeyeen diyaaradda, wuxuuna sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay ka danbeeyeen rasaaseynta diyaaraddaasi, kadibna la baacsaday, sida uu sheegay.
Waa diyaaradii labaad oo shil noocaan ah la kulanto Maamulka K/Galbeed, iyadoo diyaaradii African Express lagu soo riday magaalada Berdaale, taasoo ay ka danbeeyeen Ciidamada Itoobiya.

