Wararka laga helayo dalka Yeman ayaa sheegaya in 31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay meel u dhow xeebaha dalka Yeman.
Warar laga helayo ilaalaa Badda kooxda Xuuthiyiinta ee ku sugan gobolka Xudeyda ee dalka Yeman aya sheegaya in Dooni ay la socdeen ay duqeysay diyaarad helikobtar ah.
Nin lagu magacaabo Maxamed Al-alaay oo bad-maaxiinta degankaasi ku sugan ka mida ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in qaxootiga Soomaalida oo watay waraaqaha aqoonsiga hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ay ka tageen Yeman, kuna socdeen dalka Suudaan.
Diyaarad helikobtar ah nooca Apache ayaa duqeysay doonta oo mareysay meel u dhow Marinka Bab-almandab.
Doonta ayaa la sheegay in laga badbaadiyay ilaa 80 kale oo qaxooti ahaa, lama caddeyn cidda lahayd diyaaradda weerarka geysatay, waxayna warar kala duwan tilmaamayaan in halkaasi ay ka howlgalaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Sacuudiga.
Xasuuqa lagula kacay qaxooti naf-la-carar ah ayaa ayaa noqon doona kii ugu xanuun badnaa ee milateriga labadaas dal ku kacaan, waxaana la ogaan doonaa cidda falkan mas’uulka ka ah inuu noqon doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis.
Wakaalado