Diyaarad ka timid Soomaaliya ayaa la sheegay inay shil ku gashay Garoonka Diyaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi (JKIA).
Diyaaradahan ayaa si degdeg iyo lama filaan ah ah u fariisatay Garoonka, waxaan saarnaa afar qof, sida ay sheegtay hay’adda Garoomada iyo duulimaadyada dalka Kenya, laakiin ma jirin cida wax ka soo gaaray shilkaasi.
Diyaaradda oo aan magaceeda iyo shirkadda leh weli la shaacin ayaa xayirtay saacado shaqadii Garoonka Diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, waxaana markii danbe laga wareejiyay dhabaha diyaaraduhu caga dhigtaan oo ay xanibtay.
Jambo, at 4.55PM today, an aircraft from Somalia made an Emergency Landing at JKIA. It landed on its belly & veered off the Runway. 1/2
— Kenya Airports Authority (@KenyaAirports) November 27, 2016