Wararka laga helayo dalka Djibouti ayaa sheegaya in diyaaradda Turkish Airlines ee saaka la filayey inay ka degto magaalada Muqdisho ay ku xayirantay magaalada Jabuuti.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka dambeysay xaalad amni oo laga dareemay Garoonka Muqdisho, markii ciidamo fara badan oo daacad u ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ay tageen Garoonka, halkaasoo ay ka dhalatay xaalada amnioo keentay saraakiisha shirkadda Turkish Airlines ay go’aansadeen in duulimaadka la hakiyo.
Diyaaradda oo saqdii dhexe kadib oo ku beegan 1:00 habeennimo kasoo duushay magaalada Istanbul, ayaa lagu waday inay Muqdisho ka degto Subaxnimada Saaka, laakiin waxaa dadkii la socday loo sheegay iay cilad jirto, iyadoo muddo saacado ah lagu hakiyey garoonka magaalada Jabuuti.
Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugidda, Fahad Yaasiin oo maanta kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay xaalad amni oo keentay in diyaaradda ay sii wadan weydo socdaalkeeda.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti soo dhex galeen arrinta ayna Diyaaradda uu la socday Fahad Yaasiin ka dejiyeen.
