Diyaarad Milateri oo nooca Xamuulka ah ayna leeyihiin ciidamada ayaa goordhoweyd kasoo degtay Garoonka Diyaarada ah ee Aadan Cadde, magaalada Muqdisho, iyadoo sida Daawo iyo qalab caafimaad oo dowladda Mareykanka ku deeqday.
Waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ayaa ah jawaabtii ugu horeysay ee ka timaada dowladda Mareykanka, iyadoo madaxweynaha dalkaasi Donald Trump lagu cambaareeyay inuusan wax war ah kasoo saarin qarixii weynaa ee ka dhacay Muqdisho, ayna caado u ahaan jirtay inuu ka hadalo weerarrada argagixiso ee ka dhaca dalalka aan muslimka ahayn.
Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Aqlka cad ayaa cambaareeyay qaraxii weynaa ee Soobe. wuxuuma Mareykanka balanqaaday inuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya.
SAWIRRO