Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil ayaa burburtay kadib markii uu haleelay gantaal laga soo riday gudaha dalka Suuriya.
Diyaaradda dagaalka Israa’iil ayaa lala helay gantaalka nooca lidka diyaaradaha ee ay Suuriya leedahay kadib markii diyaaraddu fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha dalka Suuriya, iyadoo warkan uu shaaciyey milateriga Israa’iil.
Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil. Isbitaalka ayaana markii dambe la dhigay, waxaana la sheegay in duuliye ka mida ay xaaladiisu liidato oo dhaawac culus uu soo gaaray.
Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.
Dowladda Suuriya ayaa shaacisay Ciidammada Suuriya ay rasaas fureen diyaaradda dagaalka kaddib markii Israa’iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah, waxaa sidaas lagu baahiyay warbaahinta qaranka.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay weerarro duqeyn ah ku qaadeen 12 goobood oo ku yaalla Gudaha Suuriya iyagoo beegsaday xarumo lidka diyaaradaha iyo maleeshiyo taabacsan Iiraan.
Bayaan ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay in “diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay horjoogsatay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan leedahay oo laga soo kiciyay Suuriya kuna soo xadgudubtay Israa’iil.”
Waxa uu bayaanku intaasi ku daray in diyaaraddaasi durbadiiba la ogaaday “aadna loola socday ilaa laga hor istaagayba.”
Diyaaradda aanay cidina wadin ayaa waxaa lagu soo riday gudaha Israa’iil, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka ciidammada Israa’iil, Janaraal Ronen Manelis.