Diyaaradda Turkish Airlines oo duulimaadyadeeda Muqdisho ay hakad galeen tan iyo bilowgii bishan Febraayo ayaa maanta ka degtay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho iyadoo sida rakaabkii caadiga ahaa.
Socaalkii maanta ee Turkish Airlines ayaa ahaa kii ugu horeeyay muddo laba toddobaad ah oo diyaaradaasi ay ka maagtay inay degto Muqdisho, taasoo ka dambeysay qarxintii diyaaradda Daallo ee 2-dii bishan oo loola dan lahaa diyaaradda Turkiga.
Diyaaradda Turkiga ee maanta timid Muqdisho ayaa ahayd diyaarad xamuul oo aanay cid rakaab ahi la socon, waxaana la filayaa inay ahayd mid lagu tijaabinayay xaaladda garoonka Muqdisho.
Mas’uuliyiinta diyaaradda Turkish Airlines ayaa hakadka galay howsheeda ku tilmaantay inay ahayd dabeylo xoog leh oo ka jiray magaalada Muqdisho, waxayna ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimaha ammaanka garoonka Muqdisho iyo qaraxii Daallo.
Wadani.com