Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaaradii siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay goor dhoweyd ka degtay Garoonka magaalada Beledweyne, iyadoo gashay halis ku saabsan insan la hamin.
Qaar ka mida xubnihii la socday diyaaradda ayaa sheegay markii ay u dhowaadeen Garoonka Beledweyne laga dansaday isgaarsiintii hagi lahayd diyaaradda, iyadoo wajahday xaalad adag oo dhowr jeer ay ku sigteen inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho, balse ay markii dambe ka degaan garoonka magaalada Beledweyne.
Duuliyaha diyaaradda ayaa intii ay hawada ku jireen u sheegay wafdigii la socday inay ku laabanayaan magaalada Muqdisho oo loo sheegay in aan laga degi karin garoonka Beledweyne, , balse wadahadal iyo waanwaan dheer kadib ay haddana diyaaradii dib u wadatay socdaalkoodii magaalada Beledweyne oo ay goor dhoweyd ka dageen.
Wafdiga waxa garoonka magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabele Cabdi C/llaahi Guudlaawe, iyadoo lagu wado inay ka hadlaan arrinta qabsatay socdaalkooda iyo diyaaradda siday.