Diyaaradii Turkish Airlines ee laga celiyey magaalada Jabuuti, iyadoo kusoo jeeda Caasimadda Muqdisho ayaa goor dhow caga dhigatay Garoonka magaalada Istanbuul.
Diyaaradan lambarkeedu yahay TK687 ayaa xilliga Muqdisho 9:05 PM caga dhigatay Garoonka Istanbul oo ay xalay xilli danbe kasoo duushay, waxaana la socda Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin iyo rakaab maanta lagu xayiray Garoonka Jabuuti.
Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho kui xayirmay rakaabkii ay u qaadi lahayd dalka Turkiga. Sababta dib u nooqshada diyaaradda ayaa lagu sheegay in loo diiday ogolaansha ay ku imaan lahayd Garoonka Muqdisho, halka warar kale sheegeen arrimo farsamo.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xanibtay Fahad Yaasiin iyo saraakiil la socotay, waxayna dusha u saartay dowladda Jabuuti amniga madaxdaasi, taasoo ay beenisay dowladda Jabuuti.
Rakaabka la socday Diyaaradda Turkish Airlines ayaa diyaarad kale uga soo duuli doona Muqdisho, laakiin lama oga inuu Fahad Yaasiin mar kale soo raaci doono iyo in kale.
