Diyaaradii Turkish Airlines ee kusoo jeeday magaalada Muqdisho, lagana celiyey magaalada Jabuuti ayaa mar kale u duushay magaalada Istanbuul oo ay markii hore ka timid.
Diyaaradan lambarkeedu yahay TK687 ayaa saacad ka hor ka duushay magaalada Jabuuti, iyadoo ay la socdaan dhammaan rakaabkii la socday oo uu ku jiro Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.
Dowladda Jabuuti ayaa sababta diyaaradan celisay ku sheegtay cilad farasmo iyo diidmo ogolaanshihii ay ku degi lahayd garoonka magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xanibtay Fahad Yaasiin iyo saraakiil la socotay, waxayna dusha u saartay dowladda Jabuuti amniga madaxdaasi, taasoo ay beenisay dowladda Jabuuti.
Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ka degi doonta magaalada Istanbul saacado kadib 9:00 fiidnimo, iyadoo Fahad iyo dadka la socda ay doonayeen inay mar kale soo raaceen diyaaradda Qatar Airways.
