War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn culus ka geysteen duleedka degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Mareerey oo 6 KM u jira Basra, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay saldhig u ahayd Alshabaab oo ay ka soo abaabulayeen weerarka ay ku qaadeen degaanka Basra.
Ma cadda qasaaraha gaaray sladhigga Alshabaab, waxaana goobtaasi la xaqiijiyay inay ahayd xarun weyn oo Alshabaab halkaasi ku lahaayeen, iyadoo ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa Alshabaab ay maalmihii ugu danbeeyay ku dagaalamyeen tuulooyin ka tirsan degmada Balcad.
Ciidamada Mareykanka ee taageeraya kuwa Soomaaliya ayaa si weyn u kordhiyay duqeynta ay ku qaadayaan Alshabaab.