Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaarado sida ciidamada ilaaldaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ka degaan Garoonka magaaladaasi oo la filayo inuu Berri tago madaxweynaha.
Labo Diyaaradood oo ay la socdan ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya ee Koofiyad-casta ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ciidamadan la geeyay xarumaha la dejin doono Madaxweynaha iyo Garoonka Diyaaradaha oo lagu soo dhoweyn doono
Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu Berri Madaxweynaha soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee ka socday Magaaladaasi.