Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Diyaargarow lagu soo dhoweynayo Ra’iisal wasare Kheyre oo ka socda Dhuusamareeb & Wararkii ugu..

    Diyaargarow lagu soo dhoweynayo Ra’iisal wasare Kheyre oo ka socda Dhuusamareeb & Wararkii ugu..

    June 24, 2019Updated:June 24, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wafdiyo kala duwan ayaa ku sii jeeda magaalooyinka Galmudug, kadib markii isbedel weyn uu ka dhacay halkaasi 24-kii saac ee ugu danbeysay markii madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf uu ka guuray magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii uu la galay Ahlu suna.

    Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo safarkan uu ahaa mid hore loo qorsheeyay oo wasiirka arrimaha gudaha uu diyaariyey, waxaana la sheegay inuu qeyb ka yahay heshiis ay dowlada Federaalka la gashay maamulka Ahlu suna oo keenay inuu madaxweyne Xaaf ka laabto heshiiskii uu kula jiray kooxdaasi.

    Diyaargarowga soo dhoweynta Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb, waxaana hore halkaasi ugu sugnaa ciidamada ilaalada Ra’iisal wasaaraha oo halkaasi la geeyay iyo wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

    Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhari iyo xubno la socda ayaa ku sii jeeda magaalada Cadaado, waxaana socdaalka wafdigan uu soo baxay saacadihii ugu danbeeyay kadib markii madaxweyne Xaaf ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay doorasho, balse uu sheegay inay ka dhaceyso magaalada Cadaado.

    Xaaladda maamulka Galmudug ee khilaafku la degay ayaa weji cusub gashay, waxaana socda ololeyaal iska horjeeda oo ku saabsan Doorashada Galmudug oo xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay July 4 ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb, laakiin waxaa muuqata in dooroshadaasi ka hor ay shaqo badan harsan tahay oo aanay suuragal noqon doonin inay ku dhacdo muddo 10 maalmood gudahood ah.

    Madaxweyne Xaaf ayaa weli ku sugan degaanka Godinlabe, waxaana hore loo filayey inuu u socdaalo magaalada Gaalkacyo, iyadoo warar kale sheegayaan inuu doonayo inuu tago magaalada Cadaado.

    Cadaado Dhuusamareeb Kheyre Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Somalia oo War Cusub ka soo saartay Doorashada Galmudug, kana hor timid Qoraalkii Xaaf [Akhriso]
    Next Article Odayaasha iyo Waxgaradka magalada Cadaado oo go’aan ka qaatay imaanshaha Madaxweyne Xaaf.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo