Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku adkeystay oo mar kale weeraray haween ka mida Koongareeska Mareykanka, isagoo si toos ah markan u soo hadal qaaday dalka ay kasoo jeedo Ilhaan Cumar ee Soomaaliya.
Isagoo xalay ka hadlayey farriiimihiisii cunsuriga ahaa ee hore oo dhaliyey cambaareyn fara badan, ayuu mar kale sheegay in haweenka ka mida Xisbiga Dimoqraadiga ka mida ay u fasaxan yihiin inay ka tagaan Mareykanka, isagoo sheegay inay neceb yihiin Mareykanka, ayna neceb yihiin Isra’iil.
“Ilhan Omar, waxay ka timid Somalia oo ah dowlad fashilantay iyo dal fashilmay, halkan ayay timid, waxay ka mid noqotay Koongareeska Mareykanka, taasina weligeed ma dhicin, .. waxay neceb tahay Isra’iil, waxay dad wanaagsan ku tilmaantay Alqaacida… mar waliba waxay muujisaa naceybkeeda Mareykanka…” ayuu yiri Donald Trump oo ku celceliyey Ilhaan ay ku haboon tahay inay isaga tagto Mareykanka.
HOOS KA DAAWO