Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa is-beddel ku sameeyey ololihiisa doorasho, wax ka yar laba bil markii labaad isagoo hore u eryay ninkii madaxda ka ahaa kooxdan.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo bilo yar ka harsan yihiin markadadweynaha Mareykanka u dareerin goobaha cod bixinta November 2016.
Madaxa sare ee howl fulinta ayuu Trump u magacaabay Stephen Bannon oo ka tirsan website-ka muxaafidka ee Breitbart, halka maareeyaha ololihiisa doorashana uu u magacaabay Kellyanne Conway.
“Waa dad aan caadi ahayn, waa guuleystayaal, waa horyaallo, waxaana dooneynaa inaana guuleysano” ayuu Trump u sheegay wakaaladda wararka ee AP.
Tallaabooyinka uu Trump qaaday ayaan saameyn doonin Paul Manafort oo kala waday howlaha ololihiisa tan iyo markii Trump uu bishii June shaqada ka ceyriyey madaxii hore ee ololihiisa, Corey Lewandowski.
Manafort ayaa dhowaanahan waxaa saarnaa diiradda kadib markii wargeyska New York Times uu daabacay warbixin la xiriirisay in lacag 12 milyan oo dollar oo kaash ah uu ka qaatay madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovich, oo ku xiran dowladda Ruushka.
Trump ayaa si aad ah uga dambeeya Hillary Clinton dhinaca codadka ra’yiga dadweynaha Mareykanka. Dhowaan ayuu Donald Trump ku eedeeyay saxaafadda Mareykanka inay isaga daba dhigteen oo wararkiisa si khaldan u fidiyaan.
Wadani.com