Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Donald Trump oo si yaab leh u sifeeyay Hogaamiyaha dhalinta yar ee Kuuriyada Waqooyi

    Donald Trump oo si yaab leh u sifeeyay Hogaamiyaha dhalinta yar ee Kuuriyada Waqooyi

    May 1, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ‘nin aad xariif u ah’.Isagoo la hadlayey Barnaamijka Face the Nation ee CBS, ayuu sheegay in Mr Kim uu awoodda qabsaday isagoo dhallinyar, uuna la macaamilay dad aad u qallafsan.

    Wuxuu intaa ku daray in uusan ogsoonayn in ‘Kim uu maskax ahaan caafimaad qabo’.

    Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa khaarajiyey adeerkiis, laba sano ka dib markii uu xukunka qabtay, waxaana la tuhunsan yahay inuu amray dilka walaalkiis ay isku aabbo ahaayeen.

    “Dadku waxay leeyihiin: miyuu fiyow yahay? Ma garanayo…laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada.

    “Isagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump.

    Waraysiga Trump ayaa ku soo beegmay ayadoo lagu guul darraystay gantaalkii 2aad ee nooca ballistigga ah ee la isku dayo in la gano laba usbuuc gudahood. Gantaalka ayaa qarxay in yar ka dib markii la ganay.

    Markii wax laga weydiiyey sababta ‘ay mar walba u qarxaan’ gantaalaha wuxuu madaxweyne Trump yiri “waxaan doorbidayaa in aanan ka hadlin. Talaabooyinka aan qaadayno oo dhan in aan sheegsheegno ma aha. Waxay la mid tahay cayaarta jar-ka-booddada. Ma doonayo in dadku ogaado waxa aan maskaxda ku hayo”.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa la rumaysan yahay inay sii waddo dadaalka ay ku sii yaraynayso xajmiga madaxyada hubka nukliyeerka oo ay ku rakibayso gantaalaha riddada dheer ee awooda inay gaaraan Maraykanka.

    Xiisad ayaa marki dambe aad uga xoogaysatay gobolka, ayadoo labada Kuuriyaba ay sameeyeen dhoollatus milateri.

    Maraykanku wuxuu gobolka u diray maraakiib dagaal, wuxuuna bilaabay inuu Kuuriyada Koofureed ku rakibo hanaanka lidka gantaalaha ee muranku ka taagan yahay.

    Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Kuuriyada Waqooyi, KCNA, ayaa qormo ay faafisay lagu sheegay in Maraykanku uu ‘ka fiirsado cawaaqibka ba’an ee ka dhalan kara daandaansigooda milateri ee nacasimada ah’.

    Kuuriyada waqooyi waxay bilihii dhawaa qaadday tijaabooyin gantaalo oo is dabajoog ah, waxayna iminka ku hanjabaysaa in ay samaynayso tijaabadii lixaad ee nukliyeer ah.

    Donald Trump Kim Jong-un North Korea US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAgaasime Bahlaawi: “Wareegto madaxweyne ayaan xilka ku hayaa, eedeynna la iguma xiri karo…”
    Next Article TOOS U DAAWO: Khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo