Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib ula noqday magacaabidda 12 safiir oo laga ansixin lahaa Golaha Wasiirada, kadib markii muran ka dhashay qaabka loo magacaabay.
Liiska Safiirada cusub oo ka kooban 12 ayaa u badan Hal beel, iyadoo wararku sheegayaan inuu Madaxweyne Farmaajo ku xalinayo beeshaasi oo si weyn uga sheegatay inuu Madaxweynaha ka qadiyey xilal adn oo uu magacaabay, xilkana ka qaaday mas’uuliyiin kasoo jeeday.
Safiirada csuub waxaa dood ka ka keenay Wasiirada ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed oo ku dooday in lagu xadgudbay awood qeybsiga iyo miisaanka beelaha ee 4.5, taasoo keentay in dib loo celiyo ansixinta safiiradaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa liiska safiirada u xil saaray wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq oo isna u gudbiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

HOOS KA AKHRISO LIISKA
