Hadal kasoo yeeray Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Dr. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku saabsanaa in Soomaalida guud ahaan aanay kala maarmin ayaa si kale loo bedelay, iyadoo laga dhigay inuu ka hadlayo Somaliya iyo Somaliland.
“Anigu waxaan aamin sanahay in dadka Soomaaliyeed inaysan kala tegi karin… Ama Somaliland joog ama Soomaaliya joog, ama Jabuuti joog, ama Itoobiya joog Soomaalida maanta talo ayaa hortaalla.. Nolol tan dhaanta jiilasha soo socda inay uga shaqeeyaan, taasina waxay ku xiran tahay maamulada Soomaalida inay wax wada qabsadaan, maamullada waa gooni, laakiin danaha Sooamalida Geeska umadda Soomaaliyeed waa mid aan kala go’ayn, nina keligii waxba u suuroobeynin” ayuu yiri Ismaaicil Buubaa oo la hadlay Telefishanka Eryal.
Barasha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed ayaa si weyn loogu baahiyey inuu siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani inuu yiri: “Qofkii igu nacaya iyo kii ka naxaya, Soomaaliya iyo Somaliladn kalama go’i karaan” .
HOOS KA DAAWO
