Muran iyo dood weyn oo ku saabsan maalinta ciidul adxaa ku beegan tahay ayaa ka taagan dalka Kenya, kaddib markii Qaaddiga guud ee dalkaasi uu ka hor yimid in la ciido maalinka Talaadada ee Beri oo inta badan laga ciidayo dunida islaamka iyo dalka Sacuudiga.
Sheikh Axmed Muxaadir oo ah Qaaddiga guud ee Kenya ayaa dhaleeceeyay in Talaadada ay tahay maalin fasax qaran ah oo loo dabaaldegaya ciiduul Adxa kaddib markii dowladda Kenya ay u dhawaaqday fasax qaran oo Ciidul Adxaa darteed, wuxuuna sheegay in maalinta Talaadada laga dhigo maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay ka horjeedo fahamka shareecada islaamka.
Hadalka Qaaddiga waxaa si wayn uga soo horjeestay mas’uuliyiin uu kamid yahay, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo sheegay inay nasiib darro tahay in qaaddiga waddanka uu khilaafo musliimiinta isla markaasna berrito ay tahay maalin ciid ah guud ahaan dunida.
“Nasiib darro ayay noqotay in qaaddiga waddanka Kenya uu khilaafo madaxda muslimiinta, uuna ka horyimaado cidda beri,oo uu yiraahdo maalinta Ciidda waxaa weeye Arbacada, oo uu yiraahdo maalinta la soomayana ay tahay Talaadada marka waxaan u araknaa in arrintaasi, arrin khalad ah, xagga diinta, khalad ah xagga waddanka oo madaxda muslimiinta uu ka hor imaadsan yahay, madaxweynahana waan u sheegnay inuu khalddan yahay” ayuu yiri Aden Barre.
Dhanka kale, madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dacwad ay kaga soo horjeedaan Qaaddiga guud ee Kenya ay u gudbin doonaan guddiga shaqaalaynta garsooyaraasha Kenya si ay tallaabo uga qaadaan Sheikh Axmed Muxaadir oo ka hor yimid maalinka ay ku beegantahay ciidda.