Dood weyn ayaa baraha bulshada ka dhalatay kadib soo dhoweyntii Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ee magaalada Muqdisho, taasoo u muuqatay inay ka heer hooseysay sidii la filayey.
Siciid Deni oo saaka ka degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay in soo dhoweyntiisa ay ahayd mid ka hooseysa sidii hore, iyadoo aanay ka qeyb gelin mas’uuliyiin badan iyo xubnihii Midowga Musharixiinta oo isbaheysi la lahaa.
Mas’uuliyiinta soo dhoweynta Madaxweyne Deni ka qeyb galay waxaa ka mida wasiir ka tirsan xukuumadda Federaalka iyo xildhibaanno, waxaana muddooyinkii danbe soo shaax baxay inay kaal furteen madaxdii Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Deni iyo Axmed Madoobe oo Isbaheysi hore u sameystay.
Waxaa caadi ah in hadii ay madaxda dhowr jeer ku noqnoqdaan safarro ay yaraato xiisaha loo qabo soo dhoweyntooda, lakiin waxaa arrintan ka faa’iideysanaya taageerayaasha Farmaajo oo arrintan u arka fa’iido siyaasadeed.
Waxaa baraha bulshada ku baahay dood ay si weyn u wad-wadaan taageerayaasha madaxweynaha xilku ka dhammaaday oo si gaara ugu faraxsan khilaaf ay sheegeen inuu ka dhaxeeyo Midowga Musharxiitna iyo Madaxweynaha Puntland.
Deni ayaan weli shaacin inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa dad badan aaminsan yihiin inuu isu diyaarinayo; taasoo keenay in taageerayaasha Farmaajo ay baraha bulshada ku jeexjeexaan soo dhoweynta Deni ee Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sidoo kale soo dhoweyn weyn la kulmin, inkastoo ay mas’uuliyiinta garoonka ku soo dhoweeyay ay ka id ahaayeen senatrada dib lood oortay ee Cabdi Dhuxulow iyo Yuusuf Dhegey.


