Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana mid ahaa mas’uuliyiintii lagu casuumay xafladii ay soo abaabushay safaaradda Iiraan ee Muqdisho oo ay kala eryeen ciidamada nabadsugidda ayaa si weyn uga carooday falkaasi, waxaana la sheegay inay dood kulul dhex martay isaga iyo Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid oo xafiiskiisa uu tegay kadib markii xafladii soo xirantay Jimcihii la soo dhaafay.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in si sharaf darro ah loola dhaqmay oo lagu xushmeyn waayay xaflad ay joogaan mas’uuliyiin qaran sida isaga iyo wasiirku kux igeenka shaqada Cusmaan Libaax, wuxuuna caddeeyay inaysan meeshaasi ka jirin wax ku saabsan faafin shiico iwm.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu Xildhibaan Dalxa u caddeeyay inay khalad ahayd inuu tago xaflad noocaasi ah, isla markaana aanay munaasib ahayn iyo mas’uuliyadda ay iska tagaan meel waliba oo looga yeero, wuxuuna ku adkeystay in amarka lagu joojiyay xafladda uu isaga bixiyay, warbixin baddana laga hayay arrinta safaaradda Iiraan iyo Hay’adda Imaam Khumeyni ka wadeen dalka.
Wadani.com