Soomaalida baraha bulshada adeegsada ayaa soo bandhigay dood ku saabsan Xildhibaannada xalay ku shiray Villa Hargeysa ee ku dhawaaqay inuu jabay mooshinkii Jawaari, kuwaasoo la baxay Guddiga bad-baadinta Baarlamaanka.
Arrimaga ugu badan ee Baraha Bulshada Soomaalidu uga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa tirada la sheegay inay ahaayeen xildhibaannada shiray, Guddiga ay ku dhawaaqeen iyo halka uu ku dambeeyey mooshinka?
1. Tirada Xildhibaannada shiray
Muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday shirkii Villa Hargeysa waxa ay noqdeen kuwo ay si weyn ugu jees jeesaan dad badan oo adeegsada baraha bulshada, iyagoo sheegayey in tirada ka muuqata muuqallada iyo sawirrada aysan ka badnayn 40 Xildhibaan.
“Miis dheer oo kuraas dhinacyada laga soo dhigay xildhibaanno ku shiray baa 120 ah idin kama yeelin, bal dhab u fiiriya sawirkan oo tiriya dadka goobta ku sugan, xitaa markii lagu daro wariyaasha wax duubaya dhammaantooda 50 qof ma gaaraan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan.
Sidoo kale, dadka qaar ayaa ku doodaya haddii tirada ay tahay sida la sheegay 120 qof maxay u saxiixi waayeen war murtiyeedka la soo saaray ama ay uga qeyb gali waayeen markii la akhrinayey si ay u muujiyaan cududdooda iyo inta ay gaarsiisantahay awood ay leeyihiin Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Dadka qaarkood ayaa tiriyey xubnaha kasoo muuqday fadhiga iyagoo tirooyin u sameeyay waxayna gaarsiiyeen tirada ugu badnaan 50 xildhibaan.
2. Guddiga Badbaadada Baarlamaanka
Guddigan oo xalay lagaga dhawaaqay Villa Hargeysa ayaa dadka intooda badan waxa ay shaki galinayaan ujeedka loo asaasay iyo shakhsiyaadka gaarka ah ee ka dhex muuqda muranka siyaasadeed ee ka jira Baarlmaanka.
