Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dooda ku saabsan 4 kursi ee Guddiga FEIT Amray in Doorashadooda lagu noqdo (Qormo)

    Dooda ku saabsan 4 kursi ee Guddiga FEIT Amray in Doorashadooda lagu noqdo (Qormo)

    April 8, 2022Updated:April 8, 20225 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ma muuqdaan sababo madaxweyne Laftagareen ku kallifaya inuu dooda 3 kursi u adeegsado colaad qabiileed, neceyb reer KG, iyo ku xadgudubka RW Rooble. (W/Qoray: Dr. Mohamud M. Ulusow)

    Khudbadda uu Madaxweyne Cabdiaziz Laftagareen u jeediyay Xildhibannada laga soo doortay DG Koofur Galbeed (DG-KG) kuna saabsaneyd 3 kursi ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Heerka Federal (GHDHF) amray in doorashadooda lagu celiyo waxay daaha ka qaaday heerka aad u hooseeya ee uu marayo dhaqanka dowladnimo ee Soomaaliya iyo rajoxumada hano qaadka dowlad tayo leh oo ilaalinteeda aysan aheyn maaweelo.

    Khudbada waxay kicisay shucuur badan. Madaxweyne Laftagareen uma hiilin runta, cadaaladda, garaadka wanaagsan ee dowladnimo, iyo nabad ku wada noolanshaha bulshada Soomaaliyeed. Ma muuqdaan sababo madaxweyne Laftagareen ku kallifaya in dooda 3 kursi uu adeegsado colaad qabiileed, neceyb reer KG, iyo ku xadgudubka RW Roble.

    Xaqiiqada waxay tahay in mar kasta doorashada kuraasta 3 Xildhibaan ay ku jiraan gacanta DG-KG, lagana sugayn wax ay soo kordhin karin 74 kursi. Beelo iyo shakhsiyad ku nool DG-KG ayaa muddo dheer ka cabanayaa cadaalad darro ay ka sheegaanayaan Maamulka DG-KG ee Madaxweyne Laftagareen, haseyeeshe aan marna ku dhaqaaqin inay tabashadooda ka dhigan colaad iyo neceyb qabileed ama ku xadgudbaan Madaxda DG-KG.

    Madaxweyne Laftagareen ma qiran, ma xusin in aan DG-KG keli ah la beegsan oo hal kursi ee ka mid ah 4 kursi ee GHDHF hakiyay ka soo jeedo DG Hirshabelle (DG-HSH). Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Laftagareen labo wasiir ee ka mid ah Golaha Wasiirrada ku tilmaamo kuwa ka shaqeeya guriga RW Roble, taaso ah xadgudub ka baxsan dhaqanka dowladnimo. Sida hadda kor Madaxweyne Laftagareen uga hadlay, doorashada ka dhacday DG-KG waxay soo jiidatay indhaha, dareenka, iyo guuxa dadweynaha Soomaaliyeed.

    Inkastoo mas’uuliinta xilka haysa ku dhirran yihiin inay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan been iyo marin habaabin badan, haddana shacabka shacabka waa ka dheregsan yihiin xulufeysiga, xadgudubyada, musuqmaasuqa, awood mororsiga dalka ka socda. 4 kursi oo GHDHF amray in doorashadooda dib loogu noqdo waxay kala yihiin:

    1. HOP #154
    2. HOP #103
    3. HOP #204
    4. HOP #086

    Xaaladda 4 kursi isku mid ma ahan. Hal ku dhegga DG-KG oo ah “ Annaga GHDHF waxba nooma yeerin karo” ayaa Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ku dhiirrigeliyay inaysan ka amar qaadan GHDHF, kuna qasbay guddiyada doorashada, RW, iyo Beesha Caalamka inay culeyska saaran socodsiinta doorashada, dibna loo dhigo ka hadalka kuraasta laga cabanayo.

    1. Xallinta Kursiga HOP #154 ee la yiri waxaa ku guuleystay Sareedo Maxamed Cabdalla waxay aheyd mid aad u sahlan waayo muranka kursigaas wuxuu la xiriiray arrin Farsamo ah, haseyeeshe ka falcelinta DG-KG wuxuu noqday “ annaga GHDHF wax nooma yeerin karo.” Saddexda Kursi kale ayaa guuxa iyo dareenka dadweynaha iyo kan Beesha Caalamka soo jiitay, waxayna halqabsi u noqdeen heerka xun ee musuqmaasuqa doorashada DG-yada ka dhacay gaaray:

    1. HOP #103 waa kursi uu ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbiga Maxamed Sheikh Cosman Jawaari, haddana la shaaciyay inuu ku guuleystay Maxamed Cali Xassan, oo Farmajo wato. Doodda ka taagan kursigaas waxay ku saleysan tahay saddex arrimood:

    I. Dagaalka dalka dhan gilgilay oo Farmajo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacbiga uga qaaday Jawaari kaaso la rumeysan yahay inuu weli socda;

    II. Cabashada Jawaari oo sheegay in loo diiday ka qaybgalka tartankta kursigaaas si daahfuran, madaxbannaan, hagardaamo aysan ku jirin, madaama Madaxweyne Laftagareen la safan yahay Farmajo. DG-KG dheg jalaq uma siin cabashada Jawaari oo ilaa maanta idaacadaha taagan;

    III. Sumcadda iyo saameynta Professor Jawaari ku leeyahay dib u dhiska Qaranka Soomaaliya oo Soomali badan iyo Beesha Caalamka ku tixgelineyso, kuna taagerayaan.

    GHDHF wuxuu amray joojinta kursigaas haseyeeshe kaddib markii la soo weeraray dantu ku kalliftay in laga aamuso inta doorashadu ka soo dhammaaneyso.

    2. Kursiga HOP #086 waa kursiga uu ku fadhiyay Faarax Sheikh Cabdulqadir, haddana loo xiray Fahad Yaasin Axmed. Kursiga waxaa hareereysan arrimo badan oo u baahan in laga baarandego sida warqadda shaqo ka joojinta ee RW Roble qoray 6dii setember 2021, summadeedu tahay XRW/0314/09/2021, taaso ay ku qornaayeen eedeymo iyo dambiyo culus oo Fahad Yaasin oo ahaa sarkaal dowladeed ka reebaya inuu ka qaybgalo tartanka doorashada.

    Fahad waa sarkaal dowladeed ee lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay faragelinta ciidammada ee siyaasadda oo dhirrigeliyay boobka iyo musuqmaasuqa doorashada dalka, isla markaana deegannada qaarkood ka abuuray xiisad colaad. Inkastoo aysan maxkmad xukumin, haddana kiiska sarkaalad Ikram Tahlil Faarax, qoraallada Fahad Yaasin, iyo warqadda Ra’iisul Wasaaraha waxay muujinayaan inuu Fahad Yaasin halis ku yahay xasillonida iyo horumarka siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uusan kasban xaqa ka qaybgalka doorashada Golaha Shacbiga.

    Waxaa la aaminsan yahay in Farmajo iyo Fahad geeyeen goobta doorashada kursiga HOP #086 ciidammo ka amar qaata, haseyeeshe aan u hoggaansaneyn Laanta fulinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ee u xilsaaran nabadgelyada doorashada, kuwaasoo loo geeyay Beledweyne si loo soo boobo kursigaas. GHDHF wuxuu amray joojinta doorashada kursigaas, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay eedeymo la xiriira baalmarka habraaca doorashada, haseyeeshe Ciidammada la geeyay Beledweyne dartood, DG-HSH waa ka gaabsatay u hoggaan sanaanta amarka GHDHF.

    3. Kursiga HOP # 204 waxaa loo xiray Isxaaq Cali Subag, waxaana cabasho ka keenay Wasiirka Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac) oo ku dacwoonaya madaama uu ka mid yahay mucaaradka mayalka adag ee Farmajo iyo Fahad loo diiday ka qaybgalka tartanka doorashada kursiga jufadiisa oo caddeysay in kursigaas aan lagala tashan. Dooda iyo hanjabahaada lagu hor-istaagayo dib u soo nooleynta dowladda Soomaaliya oo hal sano iyo bar sharcidarro ah, waxaa ka habboon qabashada doorasho daahafuran ee 4 kursi bilaha soo socda si guuxa dadweynaha looga falceliyo, isla markaana loo abuuro Iftin rajo dadweynaha tusaale ka dhigto.

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    Doorashada Maxamuud Culusow Qormo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXubbinimadii Ruushka ee Guddi ka mida Q/Midoobay oo la joojiyey (Somaliya oo ka baaqsatay..)
    Next Article Midowga Musharixiinta oo RW Rooble ku taageeray ceyrinta Wakiilkii Midowga Afrika

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo