Kulankii loo balansanaa in Aqalka Sare uu maanta ka yeesho arrina C/kariin Qalbi Dhagax ayaa la joojiyay oo dib loo celiyay.
Kulanka ayaa ku furmay mooshin ay geeyeen xildhibaano ay hormuud u yihiin Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Yuusuf Dhegey, kaasoo lagu dalbaday in ajandaha laga saaro kiiska Qalbio dhagax. Xildhibaanno ay ka mid yihiin Axmed Xaashi iyo Muuse Suudi ayaa iyaguna olole ugu jiray in Aqalka Sare go’aan ka gaaro kiiska Qalbi dhagax.
Muran ka dhashay arrinta mooshinka ayaa keenay in shirka uu furmi waayo isla markaana kulan ay yeesheen guddoonka Sare ayaa lagu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo.
Xildhibaanno gaaraya 21 oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday oo ay dooneysay in laga doodo, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan oo kale. waxaana lagu dhawaaqay in arrintan loo daayo Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyay shalay in Aqalka Sare uu maanta ka doodi doono go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax , isagoo sheegay inay sheegi doonaan SAX iyo KHALAD.
Waxaa muuqata in taageerayaaha xukuumadda ay ku badan yihiin Aqalka Sare iyagoo ka hortegay in kiiskan uu soo farageliyo Aqalka sare, arrintan oo wasiirada xukuumadda Federaalka ay xalay kasoo shaqeeyeen.