Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay Doon hub sida oo ku dejineysa degaan ka tirsan xeebaha Gobolkaasi.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Doontan oo hub ka dejinaysa xeebta degaanka Shimbiraale ee buuraha Calmadow ee Gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada badda ee loo yaqaan PMPF.
Doonta la qabtay ayaa siday hub ah oo isugu jira qoryaha fudud, kuwa culculus iyo rasaas. Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi saxaafadda loo soo bandhigi doono.
Hubka ayaa laga shakisan yahay inuu u socday kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee ka howlgala Gobolka Bari, iyadoo inta badan hubka laga keeno alka Yeman.