Iyadoo saaka lagu wado inay bilaabato Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamo badan ayaa la dhigay wadooyinka magaalada, waxaana la xiray Wadooyinka gala xarunta Shiirkole ee ay ka dhaceyso Doorashada, waxaana amniga iska kaashanaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Waxaa degan xaaladda, iyadoo madaxa xukuumadda Ahlu suna uu xalay qoraal u diray Beesha caalamka, kaasoo uu ku sheegay inay si weyn suuragal u tahay dagaal ka dhaca magaalada Dhuusamareeb haddii dowladda Soomaaliya sii wado Doorashada.
Ciidamada dowladda ayaa jooga xarumaha Ahlu suna, waxayna ku wareegsan yihiin goobaha ay magaalada ka degan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha Ahlu suna iyo ciidamada weli ka amar qaata, iyadoo ay jirto cabsida ku saabsan inay qalalaase abuuraan.
Doorashada ayaa goor dhow bilaaban doonta, waxaana xarunta Shiirkole ku qulqulaya xildhibaannada Galmudug oo maanta kala dooranaya 9 musharax oo 4 ka mida ay u taagan tahay xilka Madaxweynaha Galmudug, laakiin waxaa ka maqan musharixiintii mucaaradka ahaa.