Waxaa magaalada Garowe maanta ka bilaabaneysa Doorashada Xildhibananada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo muran uu hareeyay qaabka loo maray hanaanka Doorashada.
Kuraasta tirsigoodu yahay HOP196, HOP249, HOP200, HOP166 iyo HOP235 ayaa la filayaa inay kusoo baxaan xubno lasii ogyahay oo qaarka loo xiray, qaarna looga kala haray, markii ay faragelin ku sameeyeen odayaasha beesha iyo madaxtooyada Puntalnd.
1 Kursiga HOP196 waxaa la filayaa inuu kusoo baxo 1-Cabdi Ibraahim Warsame oo ah Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland .
2- Kursiga HOP200, waxaa lagu wadaa inuu kusoo baxo ixldibaan Cali Yusuf Ali Xoosh oo hore ugu fadhiyey Kursiga, waxaana beeshiisa u xiray Isimka Beesha, iyadoo dacwad xoog leh iyo qeylo-dhaan ay timid.
3- Kursiga HOP 249, waxaa si weyn u muuqataa inuu kusoo baxayo Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah Wasiiru dowlaha Waxbarashada Puntland.
4- Kursiga HOP235, waxaa kaalinta koowaad ah C/llaahi Bidhaan Warsame oo ah wasiirka Kallumeysiga dowladda Federaalka oo ay caddahay inuu soo qaadanayo kursigaasi.
5- HOP166, waa kursi kale oo muran ka oogan yahay qaabka loo marayo, waxanaa la fulayaa inuu soo qaado Axmed Cabdi Xashi (Axmed Taajir) oo mar soo nqoday Taliye ku xigeenkii Booliska dowladii C/llaahi Yuusuf.
Doorashada Golaha shacabka ee markii ugu horeysay Puntland ka bilaabanaysa ayaa ka dhaceysa xerada ciidamad 54-aad ee magaalda Garowe, waxaana si weyn looga deyriyay daah-furnaanta.
